Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xooga dalka oo ugu baaqay Ciidamada badda inay weerar dhanka xeebaha ku qaadaan Al-shabab.

65

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. Dahir Cilmi (Indha Qarshe) ayaa ugu baaqay Ciidamada badda Soomaaliya in weerar dhinaca badda ay kaga qaadaan deegaanada xeebaha ee ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Jen. Indha Qarshe oo shalay booqday Taliska Ciidamada Badda Soomaaliya oo dhowaan hogaan cusub loo magacaabay ayaa ku dhiira geliyay ciidamada badda inay ka qeyb qaataan howl galo qorshahooda yahay in Al-Shabaab kaga saaraan degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

“Waxaa la idinka rabaa inaad ka qeyb qaadataan howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan meelaha ay xeebaha kaga sugan yihiin”ayuu yiri Jen. Dahir Indha Qarshe.

Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Maadey Nuurow Sheekh Ufurow ayaa sheegay in ciidamada badda aanay heysan wax qalab ah, isagoo xusay in hadii ay helaan dib u dhis iyo qalab lagu taageero ay soo afjari karaan burcad badeeda, isla markaana ka qeyb qaata howl galada sugida amniga Xeebaha.

Gen.-Indhoqarsho

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.