Daawo: Dacwad ka dhan ah Madaxda Sare ee dowlada kuna aadan dilkii Xildhibaan Faysal oo dowlada Canada loo gudbiyey

72


Shir ku aadan sidii dowlada Canada iyo Qaramada Midoobeey loogu gudbin lahaa dacwad ka dhan ah madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtey dalka Canada, dacwadaas oo ay gudbiyeen jaaliyada reer Canada iyo ehelada uu ka soo jeeday xildhibaan Max’ed Warsame Max’ud oo loo yaqaaney Faysal, oo dil qorsheysan loogu geystay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Madaxtooyada dalka ee Villa Somalia xili uu markaas ka soo baxay salaadii Jimcaha oo uu ku tukadey masjid ku yaala gudaha xarunta madaxtooyada.

Dadkii kulanka isugu yimid oo ka hadley sida ugu haboon oo baaris loogu sameyn karo dhacdooyinka iyo shirqoolada dilka ee loo geysto shaqsiyaadka naqdiya siyaasada dowlada iyo dilalka abaabul ee loo geysto dadka kale ee indhaha u ah ummada.

Gunaanadkii Shirka ayaa waxaa dadkii ka soo qeybgaley oo isugu jiray qareeno iyo aqoonyahano si aadna looga yaqaano dalka Canada waxay ay iska qabteen xubno iyagu ka shaqeyn doona dacwada ka dhanka madaxda sare ee dowlada gaar ahaan Madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamaanka oo aan iyagu xitaa imaan aaska xildhibaan Faysal oo si arxan daro ah loogu dilay xarunta Villa Somalia.

xildhFaysal

Idale News Online, Mogadishu, Somalia

You might also like More from author

Comments are closed.