Dhageyso: 200 xildhibaan oo CV_yadooda u gudbiyey Ra’iisul Wasaare Abdiwali Sheekh si ay golaha wasiirada cusub uga mid noqdaan

42
[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/12/Saleebaan-Maxamed-Ibrahim.mp3]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumad la’aanta ah ee Soomaaliya Cabdiwelli Sheekh Axmed ayaa la sheegayaa inuu hareeyay buuq ku aadan soo celinta qaar kamid ah Golihii hore ee Xukuumadii Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” kuwaasoo lagu eedeeyay horay inaysan waxba u qaban mudadii ay xilka hayeen.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta u dhuun daloola arimaha Siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu jiro cadaadis labo dhinac ah oo saaray Ra’iisul Wasaare Cabdiwelli Sheekh Axmed kuwaasoo kala ah xildhibaanada oo iyagu intooda badan ay doonaayaan in ay ka soo dhex muuqdaan golaha wasiirada cusub iyo Bulshada Soomaaliyeed oo ku cadaadinaysa inuusan soo celin xubnihii fashiliyay Xukuumadii hore, iyo sidoo kale Hogaanka sare ee dalka sida Madaxwaynaha iyo Saaxiibbadiis oo qaba in lasoo celiyo qaar kamid ah golahaasi oo u arkaan iyagu inay wax qabteen.

R/wasaare Cabdiwelli  ayaa soo dhameeyey wadatashiyadii uu lalahaa xildhibaanada waloow ay Liiska wasiirada gadaal uga daabanyihiin labada labada masuul ee ugu sareeya Villa Soomaaliya kuwaasoo kala ah Faarax C/qaadir iyo Xasan Shekh Maxamuud oo midba midka kale la doonayo in uu jalaafeeyo si saaxiibadiis meesha uga dhex muuqdaan.

Xildhibaan Saleybaan Max’ed Ibraahim ayaa dhaliilay qaabka ay wax u socdaan isagoo sheegay in halkii hore ay dowladu taagneyd ay aad uga sii liidato oo markaan aad arkeyso in xaalka xukuumadu yahay mid kalsoonida dadka ay luminayaan.

Xafiiska Ra’iisul wasaare C/wali ayaa waxaa buux dhaafiyey xildhibaano ku tirsan barlamaanka oo in ka badan 200 la sheegaayo inay araajidooda u gudbiyeen xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, iyagoo quudareynaaya xil ay ka qabtaan golaha wasiirada.

xildhibaanoBalanqaad

Idale News Online

 

You might also like More from author

Comments are closed.