Maamulka Axmed Madoobe oo laba wariye xabsiga dhigey.

34

Wararka  ka imaanayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ciidamada Jabbhada Raas-kambooni u taxaabeen laba wariye oo halkaas ka howlgalayay.

Labada wariye ee la xiray ayaa waxa ay kala ahaayeen Max’ed Xasan Xiis kaasoo u shaqeenaayay Radio Kismaayo iyo Nasteexo Max’ed Cumar oo u shaqeysa idaacada Sky FM ee magaalda Muqisho ka howl gasha.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka danbeysay xariga labadaan wariye iyadoo maamuka Kismaayo ka arimiya ee Juba uusan marnaba ka hadlin xariga baryahaan danbe ay Saxafiyiinta ku hayaan.

Si kastaba ha ahaatee images labada Wariye ayaa hada waxa ay ku jiraan xabsi ku yaala Kismaayo iyadoo ururka Saxafiyiinta Kismaayo ay cambaareeyeen xariga wariyayaashaas.

arintani ayaa imaaneysaa xilli dhawaan, xabsiga laga sii daayey wariye kale oo  ka halgalaa magaala xeebka ee kismaayo.ma  cid sida xaalku ku dhamaan doono.

 

Idale News Online, Kismaayo.

You might also like More from author

Comments are closed.