Nabadoon xaley lagu toogtey Degmada Afgooye.

27

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa sheegaya in Degmadaasi xalay lagu dilay nabadoon caanka ahaa Degmada oo rag hubaysan ay dileen.

Raga dilka Nabadoonka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay ku dileen nabadoonka waxaana la ogeyn halka ay ubaxsadeen.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha unaxariistee Suldaan C/qaadir Suldaan Baliile , wuxuuna ahaa Gudoomiye kuxigeenkii Odayaasha Guurtida Degmada Afgooye.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo saaka waxa ay ka wadaan Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose, halkaasi oo ay ka baadigoobayaan cidii ka dambeysay dilka Nabadoonka.

Maamulka iyo saraakiisha ammaanka Afgooye weli kama aysan hadlin falka lagu dilay nabadoonkaasi xalay Afgooye lagu qaarijiyay.Saka ayaa laguwadaa in Afgooye lagu aaso Nabadoonkaasi Allaha unaxariiste.

dilqorsheysan

Idale News Online, Afgooye.

You might also like More from author

Comments are closed.