Dowlada kumeelgaarka ah ee uu taageero milatariga dalka Masar ayaa u aqoonsaday ururka Akhwaanul Muslimiin Argaxiso!

57

Dowlada ku meelgaarka ah ee uu taageero milatariga dalka Masar ayaa u aqoonsaday ururka Akhwaanul Muslimiin ee ka jira dalka Masar argagaxiso kadib markii toddobaadan weerar ismiidaamin ah lagu qaaday saldhig boolis.

Ururkan oo musharaxii u tartamayay Mohamed Morsi ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalka Masar sanadkii hore ayaa horeba loo mamnuucay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Masar Hossam Eissa oo ku dhowaaqay warkan ayaa sheegay in dowladu ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid walba oo ku lug yeelata ururka ama maalgelisaba.

Go’aankan ayaa la sheegay in uu jawaab u yahay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhig boolis oo ku yaal Mansoura weerarkaa oo ay ku dhinteen 16 ruux ayna ku dhaawacmeen boqol kale.

Ururka Akhwanul Muslimiin ayaa beeniyay inay mas’uul ka ahaayeen weerarka ismiidaaminta, hase ahaatee waxaa sheegtay weerarka koox u janjeerta ururka Alqaacida.

Ibrahim Munir oo xubin ka ah ururka kuna jooga musaafurin magaalada London ayaa u sheegay AFP in dowlada go’aankeedu uu yahay mid aan sharci ahayn. Waxana uu Ibraahin intaa ku daray in ay sii socon doonaan banaanbaxyada loogaga soo horjeedo dowlada Masar.

Ururka Akhwaanka ayaa dhigayay banaanbaxyo tan iyo markii 3dii July xukunka laga tuuray Morsi oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee si dumuquraadi ah loo soo doorto dalka Masar.

Dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta oo dhisnaa muddo 85 sano ah ayaa waxaa mamnuucday dowladii jirtay sanadkii 1954, hase yeeshee waxaa ururkan loo diiwaangeliyay inuu yahay mid NGO ah bishii Marso ee sanadkan kadib markii sharci ahaantiisa lagu murmay taasoo markii dambe maxkamad ay xukuntay in uu yahay urur aan dowli ahayn.

Egyptian supporters of Egypt's Muslim Br

Idale News Online, wararka Caalamka.

You might also like More from author

Comments are closed.