Xubno ka socda beesha Caalamka ayaa kulan la qaatey Prof Jawaari, gudoomiyaha Barlamaanka ahna sii haayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

60

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa ayaa kulan la qaatay wakiilo ka socday beesha caalamka iyo qaramada midoobay.

Kulanka uu maanta laqaatay guddoomiyaha baarlamaanka federalka ah ee Soomaliya iyo ku xigenadiisa ayaa waxaa ka qayb galay safiirada dowladaha Mareykanka, Yurub,  wakiilka gaarka ah ee  Q.M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, dib lumaasiyiin ka kala socotay wadamada Fransa, Norway iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayaa markuu soo idlaaday waxaa si wada jir ah shir jaraa’id u qabtay wakiilada beesha caalamka iyo guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Maxamed Skeekh Cusmaan “Jawaari”  guddoomiyaha baarlamanka oo ugu horeyntii la hadlay saxaafadda ayaa uga mahad celiyay beesha caalamka sida ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan baarlamanka cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa Alex Randos ayaa isna ugu hambalyeeyay guddomiyaha iyo ku xigeenadiisa isagoona ugu hambalyeeyay  rajada wanaagsan ee dalka ka muuqata isagoo intaasi ku daray iney diyaar u yihiin wadda kasta oo ay Soomaliya lagu hormarinayo iney ka gacan siinayaan.

Kulanka uu maanta la qaateen guddoomiyah baaralamanka iyo ku xigeenadiisa wakiilada ka socday beesha caalamka ayaa muujinaya sida ay beesha caalamka u danaynayso wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya iyadona ay haatan ay dadka Soomaaliyeed ku raja weyn yihiin iney helaan dowlad taam ah oo aan ku meel gaar aheyn waxaana dhisida dowlad aan KMG aheen hordhac u ah dhismaha hay’adaha sharci dajinta baarlamanka.

Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.