Boqor Cabdallaha Sacuudi Arabiya oo wiilkiisa Mishcal u magacaabey Duqa Magaalada Maka Al Mukarama

145

boqorkaSacuudiga

Warbaahinta Sacuudiga ayaa shaacisay in Boqorka dalka Sacuudiga Cabdalla Bin Cabdulcasiis uu mid ka mid ah wiilashiisa  u magacaabay Duqa magaalada Makka Al Mukarama.  Mishcal Bin Abdalla Bin AbdulAzis oo 46 jir ah ayaa ah wiilka 6aad ee Boqor Cabdalla wuxuuna horay u ahaa gudoomiyaha gobolka Buralayda ee Najran.

Wiilasha Boqor Cabdalla ayaa xilal muhiim ah ka haya dalka sacuudiga, waxayna xilalka ay hayaan ka mid ah

Amiir Mutayib Bin Abdalla Bin AbdulAzis waa madaxa ilaalada qaranka, Amiir Mutayib wiilkiisa waa wasiir kuxigeenka Arimaha Dibada

Turki Bin Abdalla ayaa isaga waxuu yahay ninka labaad ama gudoomiye kuxigeenka magaalada caasimada ee boqortooyada ee Riyaad

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.