Dhageyso: Ra’iisul Wasaare Abdiwali Sheekh oo sheegay in 7 ilaa 10 cisho gudahood inuu ku magacaabi doono golihiisa xukuumada

52

Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed oo  barlamaanku siiyey codka kalsoonida ayaa sheegay in uu todobo ilaa toban cisho gudahood ku soo magacaabi doono golihiisa xukuumada  kuwaasoo sida uu tilmaamey in lagu soo xulan doono hufnaan, karti iyo inuu dadka Soomaaliyeed u dhaxeeyo.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa sidoo kale sheegay in ay xukuumadiisu wax badan kaga duwanaan doonto xukuumadihii dalka soo maray, waxuuna sheegay in  xaga amniga, caadaalada, dib u dhiska dalka, shaqo abuuris iyo doorasho xor ah oo dalka ka dhaca dhamaanka 2015 ay  xukuumadiisa  muhiimada ugu weyn saari doonto.

pm3

Idale News Online, Mogadishu.

 

You might also like More from author

Comments are closed.