Dagaalka Koonfurta Suudaan oo Sii Kululaaday Iyo Qaramada Midoobay oo Ka Digtay Dagaal Sokeeye

34

Dagaalada ka socda Koonfurta dalka Suudaan ayaa sii kululaaday, waxaana sii kordhaya dhulka uu dagaalka iyo rabshaduhu ku fidayaan, magaalada Bor ee galbeedka dalkaas ayaa si adag loogu dagaalamay lamana garan karayo heerka khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Ku xigeenka xog hayaha guud ee Qaramada MidoobayJan Eliasson, ayaa ka digay dagaal sokeeye oo dalkaas ka qarxa, waxaanu Madaxweyne Silva Kaer iyo ku xigeenkiisa loolanku u dhexeeyo ee Riek Machar, ugu baaqay inay is dejiyaan, wada hadalna galaan, sidoo kale Madaxweyne Barack Obama ayaa tilmaamay in dalkaasi qarka u saaran yahay dagaal sokeeye oo ka qarxa.

Khasaarihii ugu danbeeyay ayaa la sheegay in sadex askari oo Hindi ah kana tirsan ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta la dilay, halka tirada dhimashada reer South Sudan ay kor u dhaaftay lix boqol oo qof.

Idale News Online.southSudanDagaalo

You might also like More from author

Comments are closed.