Prof Abdiwali Ali Gaas oo la saadaalinaayo inuu ku guuleysto Xilka ugu Sareeya ee Soomaaliya

14

Iyadoo la soo gabagabeeyey doorashadii guddoonka sare ee Barlamaanka Soomaaliya isla markaasna olole iyo  diyaar garow aad u weyn loogu jiro tartanka hogaanka ugu sareeya ee dalka oo in ka badan 20 muwaadiniin Soomaaliyeed ay ka qeyb yihiin doorashada, ayaa haddana dhamaan musharaxiintu waxay ku kala duwan yihiin hogaaminta dalka, aqoontooda, waxqabadka, ilaalinta sharciga, horumarinta amniga iyo dhaqaalaha dalka, xiriirka caalamiga iyo daryeelka iyo arrimaha bulshada.

Si kastaba ahaatee, Saadaasha iyo qiimeynta hordhaca ah ee ka imaanaaya guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in Prof Abdiweli Ali Gaas haysto kalsoonida inta badan xildhibaanada, taas oo uu ku kasbadey shaqadii xukuumadii badbaado qaran ee uu hogaanka u hayey muddo sanad ah, oo ka dhabeysey balanqaadkeedii sida iney suurto galisey dhameystirka Dastuurka Dalka iyo ansixintiisa, in doorasho xor ah lagu qabto dalka Soomaalia gudahiisa, iyo in 80% xukuumadiisa gacanta ku dhigto amniga guud ee gobolada dalka. Waxa intaasi sii dheer in xukuumadii Prof Abdiweli Max’ed Cali Gaas ay xiriir fiican la sameeysey beesha caalamka, xukuumadiisuna tahay tan keentey in  Soomaaliya  indhaha beesha caalamka ku soo jeedisey, si colaada iyo dhibaatada raagtay ee Soomaaliya wax looga qabto oo loo soo afjaro.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa aamisan in xukuumada badbaado qaran ee Prof Abdiweli aysan ku koobneyn oo kaliya waxqabadka amniga caasimada iyo gobolada dalka, balse sidoo kale la timid horumar iyo isbedel dhab ah oo la taaban karo kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin nabadeynta beelaha iyo ka shaqeynta dowlad rasmi  ah oo u dalku yeesho, dhiirigelinta aqoonyahanada dibad jooga ah, ka shaqeynta maamul wanaagga, la dagaalada musuqmaasuqa, iyo  iskaashiga Somalia & beesha caalamka oo gaarey heerkii ugu wanaagsanaa 21dii sano ee la soo dhaafey.

Professor Abdiwali Ali Gaas ayaa sidoo kale la xusi karaa ka hor intii uusan ku soo biirin maamulka dowladii kmg aheyd inuu tusaale iyo talooyin wax ku ool ah u gudbi jirey dowladihii kmg ahaa ee dalka soo marey, aqoontiisa maamul iyo dhaqaale uga faa’ideyn jirey dadkiisa iyo dalkiisa isaga oo ku sugan dalka dibadiisa.

Inkastoo waqti koobani ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaasna jiraan musharaxiin kale oo aqoon iyo karti leh ayna adag tahay in la sii saadaaliyo cidda ay guusha raaci karto,  haddana xogta rasmiga ee la helaayo ayaa sheegaya in Professor Abdiwali Cali Gaas u muuqdo inuu safka hore uga jiro liiska musharaxiinta madaxtinimada dalka, waxayna xubnaha cusub ee barlamaanku rajo wanaagsan ka muujiyeen maamul wanaaga iyo waxqabadka xukuumadii Prof Abdiwali Maxamed Ali Gaas. haddiise Prof Abdiweli la siiyo fursad ama loo doorto jagada madaxtinimada dalka in sharafkii iyo midnimadii qaranka Soomaaliyeed waqti kooban gudahiisa ku soo celin doono, isla markaasna si haboon u gudan doono waajibaadkiisa qaran iyo ka shaqeynta  horumarka dalka guud ahaan.

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

 

You might also like More from author

Comments are closed.