Dhageyso: Raysal Wasaaraha cusub oo khudbadisii Baarlamaanka ku bilaabay Af maaymaay, kana codsadey xildhibaanada codka kalsoonida

43
[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/12/Khudbada-Raiisul-Wasaaraha-.mp3|autostart=yes]

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr Abdiwelli Sheekh Axmed oo maanta Khudbad ka horjeedinayay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida ayaa waxaa uu sameyay balan qaadyo badan hadii uu helo codka kalsoonida.

Ugu horayn wuxuu sheegay inuu soo dhisi doono Xukuumad ka badan midii hore isagoona tilmaamay Xukuumadaasi wax badan inay ka qaban doonto xaaladaha dalka.

Sidoo kale wuxuu Khudbadiisa si gaar ah ugu xusay arimo dhowr ah inuu wax ka qaban doono sida, Garsoorka, Amniga, Hagaajinta Miisaaniyada. Xiriirka Caalamka iyo Soomaaliya, Dib u heshiisiinta. Dhamaystirka Dastuurka KMG ah, Wax u qabashada dadka Danyarta ah, Hirgalinta Nidaam dowli ah oo cadaalad ku dhisan

raiisulWasaareAbdiwali

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.