Jeylaani Nuur Iikar oo loo doortey Guddoomiye K/Xigeenka 1aad ee Barlamaanka.

12

Barlamaanka Soomaaliya oo maanta aan  u kala kicin ayaa u doortey guddoomiye ku xigeenkii 1aad ee Barlamaanka mudane Jeylaani Nuur Iikar oo ka soo jeeda beelaha banaadiriga, Waxaa goor dhow soo gaba gaboobay wareegii labaad ee doorashada Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Soomaaliya iyadoo ay isku soo hareen afar musharax.

Afarta musharax ee u tartameysay jagada guddoomiye ku xigeenka ayaa waxa ay kala ahaayee C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, jeylaani Nuur Iikar, Bashiir Maxamed jaamac iyo Maxamed Cabdi  Xayir Maareeye.

Gudiga doorashada baarlamanka Soomaaliya ayaa shaaciyay sida ay codadka u kala heleen musharaxiintii u tartameysay ku xigeenka koowaad ee guddoomiyaha baarlamanka waxa ay u kala heleen sida tan C/weli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa helay 58 cod, Jeylaani Nuur Iikar 91 cod, Bashiir Maxamed Jaamac 30 Cod iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo helay 30 Cod.

Waxaana iskugu soo haray wareega ugu dambeeyo labada musharax ee kala ah Jeylaani Nuur Iikar iyo C/weli Muudey oo iyagu ku tartamaya wareega ugu dambeeya.

Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.