Deg Deg: Abdiweli Sheekh Axmed oo maanta loo magacaabaaya Ra’iisul Wasaaraha Somalia

28

War xaqiiq ah oo shakada Idale News heshay ayaa sheegaay in C/wali Sheekh Axmed maanta loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.  Madaxweynaha ayaa go’aansadey in xilkaasi u magacaabo C/wali Sheikh Axmed  oo ayaa horey uga soo shaqeeyey Bankiga Islaamka isagoo madax ka ahaa  Department of Agriculture and Livestock Development  Islamic Development Bank  JEDDAH, SAUDI ARABIA.

Taariikh Nololeedkiisa dib ayaan idin kala socodsiin doonaa. Waxaa xarunta Madaxtooyada ku sii qulqulaayo wakaalada wararka gudaha iyo dibada, waxaan la filaayo in madaxweynaha ku dhawaaqo magacaabista C/wali inuu noqdo wasiirka 1aad marka ay saacadu Muqdisho tahay 5ta galabnimo.

Mr Abdiweli Sheikh Ahmed Mohammad  Department of Agriculture and Livestock Development  Islamic Development Bank  JEDDAH, SAUDI ARABIA

Xaflada qabanqaabada Magacaabista ayaa hadda ka socota xarunta Madaxtooyada, waxaan madaxewynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqayaa magacaabista wasiirka koowaad xili saacado kooban ka dib.

breakingIdaleNews

Kala soco Idale News Online,

You might also like More from author

Comments are closed.