Salaadiinta Beelaha Aw-Digil oo digniin u diray siyaasiinta ku howlan carqaladeynta Shirka dowlad goboleedka KG Somalia

54

Idale News Online “INO”, December 10, 2013
Salaadiinta Beelaha Aw-Digil oo shir ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa digniin adag u diray siyaasiyiin iyagu doonaayo in ay carqaladeeyaan dhismaha dowlad goboleedka KG Soomaaliya.

Kulan ay isugu yimaadeen salaadiin, waxgarad iyo qaybaha kala gedisan ee bulshadda reer Aw-Digil ee degan gobalka Banaadir ayaa waxay digniin kulul u direen siyaasiyiinta doonaaya in ay kala qaybiyaan 6da gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankaani waxaa lagu lafa gurey taageerada, ka qayb-galka iyo dhameystirka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo wajagiisi laabaad uu ka furmi doono magaalada Baydhabo maalinta Arbacada ee 12th-Dec- 2013 .

Salaadiinta Aw-Digil waxay si toos ah digniin ugu direen , siyaasiyiin ku abtirsada Beelaha Mirifle, ee loo soo dhiibay fikirka lid ku ah rabitaanka inta badan dadka ku dhaqan 6da gobol ee Koonfur Galbeed kusaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey  u ololeynayaan in la dhiso maamulka ka kooban seddex gobol oo kala ah: Bay, Bakool& Sh/Hoose.
Digniintaan ayaa waxay imaaneysa xilli magaalada Baydhabo ka soconayo, dhameystirka Maamulka KG Soomaaliya, islamarkaana ay ku qulqulayaan wafuud kala degisan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa jira tuhun laga qobo qaar ka mid ah xildhibaanada Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xuseen Maxamuud Shekh Xuseen, iyo kuwa kale oo haatan magaalada Baydhabo ku sugan oo ku howlan fashilinta shirka iyo in wadada uu ku socda laga weeciyo iyagoo adeegsanaayo dhaqaale la doonaayo in argada lagu kala geeyo. Siyaasiyiintaas ayaa la rumeysan yahay in ay aaminsan yihiin in la dhiso maamulka ka kooban 3 gobolka, halka shacuubta gobolada 6da ahna iyo salaadiinta dhaqankuba aaney u cuntameynin in la kala qeybiyo dhulka iyo dadka ku dhaqan lixdaas gobol.

digilIYoBiyamaal

Idale News Online. Baydhabo, Somalia

You might also like More from author

Comments are closed.