Ciidamada Booliiska Degmada Baydhabo oo hareereeyay hotelka Towfiiq ee magaalada Baydhabo

55

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo xarunta maamul gobolada KG Somaaliya ayaa sheegaaya in ciidamada madaniga iyo booliska degmada ay isku gadaameen Hoteelka Towfiiq habeenkii xaley.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii rasaas laga soo tuurey gudaha hotelka Towfiiq, waxaana ku dhaawacmey labo askari oo ka tirsan ciidamada booliska, oo mid kood lagu magacaabo Maxamuud Cabdi.

Magalaada Baydhabo, waxa ku qulqulaaya wufuud kala gadisan, kuwaasi oo doonaayo in ay ka qayb galaan shir maamul loogu sameynaayo gobolo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, shirkaas oo galey wajigiisii labaad ama gebo gebada.

Shaley ayey ahayd, markii magaalada Baydhabo si weyn loogu soo dhaweeyey mudanayaal ka tirsan barlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu ka mid ahaa xildhibaanada ka soo jeedo gobolka Bay hase ahaatee ka goos adeegaayey dhismaha maamul ka kooban lix gobol.

Amaanka magalaad Baydhabo Janaay ayuu ahaa bilihii ugu dambeeyey mid aad loo sugey.

Baydhabo

Idale News Online Baydhabo

You might also like More from author

Comments are closed.