Mudane ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay qarax loogu xiray baabuurkiisa

43

Mid ka mid ah xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya oo lagu naaneeso Faysal ayaa qarax lagula eegtay meel u dhow xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday. Xildhibaanka ayaa gaarigiisa lagu soo xiray walxaha qaraxa  xili uu marayay meel aan sidaasi uga fogayn xarunta Madaxtooyada.

qaraxii1

Xildhibaanka ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Warsame Maxamed ayaa u dhintay dhaawac halis ahaa oo ka soo gaaray qaraxa oo u muuqday mid ka dhashay gudaha gaarigiisa. Qaraxa ayaa dhacay xilli laga soo baxay salaadii Jimcaha kadib, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gabar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku dhaawacantay qaraxa uu ku dhintay Xildhibaan Feysal oo ahaa mid gaarigiisa ka dhashay.

Xildhibaankan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa mudanayaashii taageersanaa Xukuumadii Saacid ee kalsoonida lagala laabtay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qaraxyo noocaan ah lagu bartilmaameysado madax ka tirsan dowlada federaalka, waxaana horey u jiray qaraxyo dhowr ah oo magaalada Muqdisho sidaan oo kale loogu dilay dadka waxgalka iyo madaxda dowlada. Mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay dilka xildhibaan Faysal  iyo war ka soo baxay dowlada Soomaaliya oo ku aadan dilka xildhibaanka.

Idale News Online, Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.