Beelaha Digil & Mirifle iyo Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan oo isqoonsadey

104

[audio:http://idalenews.com/wp-content/uploads/2013/12/loobaaqoBarwaaqo.mp3|autostart=yes]
Iyadoo beryihii ugu dambeeyey ay soo ifbaxaayeen warar  sheegaaya in xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan  iyo kooxo gacan saar la leh ay  ku howlan yihiin qorshe lagu wiiqaayo dadaalka odayaasha  beelaha Digil iyo Mirifle ee dhismaha  maamul ka kooban lix gobol ayaa waxaa si aad ah caro uga muujiyey qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wargaradka kala duwan ee bulshada, kuwaasoo fariin kulul u diray xildhibaan Shariif Xasan iyo siyaasiyiinta kale ee shirqaalka maleegaaya.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada  Faarax C/qaadir iyo hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa iyagu aad uga welwelsan taageerada shacabka iyo mida siyaasadeed ee uu helaayo dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed, waxayna xulufo siyaasadeed  la yeesheen kooxo uu ka mid yahay xildhibaan Shariif Xasan oo ay arkeen in lagu burburin karo dhismaha shirka ka socda Baydhabo.

Waxgaradku  waxay xildhibaan shariif Xasan ku eedeeyeen in halkii uu ka taageeri lahaa rabitaanka shacabkiisa bedelkeeda ka shaqeeyo qorshe lid ku ah jiritaanka dhulka iyo masiirka ummadda koonfur galbeed, isagoo geed dheer iyo mid gaaban u fuuley sidii loo fashilin lahaa shirka gogashiisa taalo Baydhabo.

Shariifka ayaa sidoo kale lagu eedeeyey in uu fulinaayo qorshe uu dabada ka riixaayo wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo cadowga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia kuwaas oo adeegsanaaya tab iyo xeelad kastaa oo lagu wax yeeli karo isla markaasna isku dhacyo beeleed looga dhex abuuri karo.

Dhanka kale, Kulamo gaar gaar ah oo Shariif Xasan Sheikh Aadan la yeeshay xildhibaano beelaha Digil & Mirifle ka tirsan ayuu kaga dalbadey in lagu taageero rabitaankiisa ah in la dhiso maamul ka kooban sedex gobol. Waxaana kulamadii ay yeesheen ku dhamaadeen  fashil, ka dib markii inta badan xildhibaanadu u sheegeen in culeys kala kulmeen  beelaha iyo  oday dhaqameedyada ay ka soo kala jeedaan oo iyagu diidan in gobolada Jubooyinka, Gedo, Bay, Bakool iyo Shaheelaha Hoose gacanta loo geliyo kooxda caadeystay sadbuursi iyo cadaalo daro ay ka dhaxleen dowladihii kacaanka iyo tii rayidka iyo weliba 23kii  sano ee dagaalada sokeeye socdeen.

Haddaba, tan iyo markii wakiilo ka socdey dhanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ay gaareen magaalada Baydhabo si ay ugu gogol xaaraan  booqasho uu Shariif Xasan ku tagi lahaa gobolka, waxay maamulka ka arrimaya deegaanadaas uga digeen in aan loo dulqaadan doonin wax lid ku ah shirweynaha maamulka KG, isla markaasna maamulka u diyaar garoobeen in ay ka hortagaan shirqool kastaa oo looga soo horjeedo hannaan-socodka dhismaha dowlad goboleedka oo ah mid cidna lagu dulmin doonin  ilaaliyana danaha dalka iyo dadka KG.

Mid ka mid ah odayaasaha dhaqanka ee ku sugan shirka oo ku hadlaaayey magaca odayaasha iyo waxgaradka Beelaha DM ayaa ku booriyey cid kastaa oo mansab siyaasadeed ka raba shucuubta KG  in arrinta kaliya ee kalsoonida dadka lagu hanan karo ay tahay in midnimadooda laga shaqeeyo, cadaalad loo sameeyo,  rabitaankoodana la tixgeliyo balse aan loo baahneyn dhaqaale iyo wax kale toona in loogu muruq sheegto.

shirqool

Idale News Online, Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.