Wareegii 1aad oo dhamaadey tirinta codadka oo weli socota

67
Xarunta Dusiga sare ee Booliiska Xamar ayaa waxaa ka socota hadda tirinta codadka ay dhiibteen 228 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka lagu dooranayo guddoonka sare ee baarlamaanka. Tirinta codadka oo qarsoodi ahaa ayaa waxaa ku horreeya murashaxiinta kala ah: Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, Prof. Cali Khaliif Galeyr iyo Xasan Abshir Faarax, iyadoo labada murashax ee kale oo kala ah C/rashiid Maxamed Xiddig iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyagana ay codad heleen.
Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo 72-jir ah ayaa ku sugan xarunta codeyntu ay ka dhacayso, isagoo ahaa mudanihii ugu horreeyay ee codkiisa dhiibtay.
Wareegga labaad ayaa waxaa lagu wadaa inay ku tartamaan saddexda murashax ee ugu codka badan, iyadoo wareegga ugu dambeeyay ay ku tartami doonaan labadii murashax ee isku hara.
Ammaanka dugsiga tababarka booliiska oo ay codeyntu ka socoto ayaa waxaa si aad ah u adkeeyay ammaankeeda ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.
Idale News kala soco natiijada doorashada gudoomiyaha iyo 2da ku xigeen oo maanta dhamaan la dooran doono iyadoon loo kala kicin.
Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.