Dhageyso Shirkii Jaraa’id ee Madaxweyne Xasan Sheikh qabtey ka dib ridistii Ra’iisul Wasaarehiisii hore Saacid

100
[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/12/Madaxwaynaha.mp3|autostart=yes]

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay Ra’iisal wasaaraha xilka ka dagaya waxana uu ku amaanay baarlamaanka sida ay u ilaaliyeen dastuurka.

Madaxweynaha ayaa warsaxaafadeedkan oo luqada Englishka ku qornaa ku sheegay in cod bixinta baarlamaanka ay cadeyn u tahay sida uu u xoogan yahay maamulka dalka ee dimuqraadiyada ku dhisan.

“Waxaan soo dhoweynayaa doorka baarlamaanka taasoo tusaale u ah sida ay shaqeynayso dimuqraadiyada dalka,”ayuu yiri madaxweynaha.

xasanSheekh xasanSheekh1

“Waa muhiim in dastuurka uu noqdo hogaanka waxayna ahayd mid muuqata, waddo walba waxa ay ku dhamaanaysaa baarlamaanka iyo codbixinta xildhibaanada. Waan u hambalyeynayaa shaqada adag ee ay qabteen iyo sida ay ugaga go’an tahay kartina ay soo bandhigeen iyo sida ay u dhaqan geliyeen dimuqraadiyada dalka Soomaaliya.”

“Waan aqoonsanahay dadaalka iyo kartida uu muujiyay ra’iisalwasaaraha xilka ka dagaya iyo golihiisa wasiirada mudada sanadka ah ee ay xafiiska joogeen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkiisa waxa uu ku amaanay afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa qaabka hogaaminta ay muujiyeen waqtigii ugu adkaa ee baarlamaanka hadda jira uu soo maray.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.