Madaxweyne Xasan oo soo dhaweeyey xilka qaadista R/W Saacid, go’aanka barlamaankana ku tilmaamay badbaadin qaran

57

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somalia ayaa sida aan idin soo tabinayba Saacid ka ka hor iskugu yeeray  Saxaafada  Caalamiga ah iyo mida dalka ee ka howl gasha Magalaada Muqdisho.

Kadib marki ay xarunta Madaxtooyada Somalia soo wada xaadireen Bahda Saxafada ayaa waxaa halkaasi  shir jaraid ku qabtay madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu horayn soo dhaweyay  go,aanki barlamanka Somalia ay kalsoonida kala laabteen Xukuumada Raisalwasaare Saacid  waxaana uu sheegay in Golaha Barlamanka go,anka ay qateen u yahay mid badbaadin doona  Qaranimada Somaliyeed.

Madaxweynaha ayaa asago sii hadlaya waxaa uu sheegay in u jiray  Khilaaf  u dhexeye asaga iyo Raisalwasaarihiisa  kaas oo ahaa  mid  dastuuri ah  ugu danbeyn  Barlamanka Somalia ay soo af jareen Khilaafkaasi.

hassanQoslaaye

Madaxweyne Xasan oo ka hadlayay waxaa  xiga kalsooni kala noqoshada Xukuumada Raisalwasaare Saacid ayaa waxaa uu sheegay in uu dhawan so magacaabi doono Raisalwasaare Cusub .

Shirka Jaraid ee Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somalia oo dheera islamarkana dhinacyo badan taabanayay  ayaa waxaa idin soo gudbin doona  dhawan asago  dhagaysi ah.

You might also like More from author

Comments are closed.