Kulan Magaalada Istanbul ku yeesheen Dr Aweys Amiin iyo Masuuliyiin & Ganacsato Turki ah + Sawiro

53

Dr. Aweys Sheekh Mohiyadin Amin oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulamo isdaba jooga la lahaa ganacsato iyo masuuliyiin ka tirsan shirkado waaweyn iyo madax ka socota rugta ganacsiga dalkaasi. Dr Aweys ayaa Kulankii ugu dambeeyay la qaatay madax ka tirsan Foreign Economic Relation Board, shirkadaha dharka (Textile) iyo kuwa qaabilsan wax soo saarka beeraha.

Aweys1 Aweys2 Aweys3 Aweys4 Aweys5 Aweys6 Aweys7 Aweys8

Aweys Amin oo uu wehliyo Eng Hashim Abdullahi Abdi ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyey xarunta shirka ganacsiga ee magaalada Istanbul, waxayna dhamaan madaxdii ay la kulmeen kala hadleen arimo fara badan oo ay ka mid yihiin iskaashi ganacsi furan oo dhex mara labada dhinac iyo sidii loo hor marin karo Private sectors dalka Soomaaliya iyo dib usoo nooleynta warshadaha yar yar oo wax badan ka bedeli kara nolosha dadka soomaaliyeed isla markaasna dhaqaalaha dalka sare u qaadi kara.

Jawiga kulankaa Dr. Aweys Amin uu la yeeshey dhamaan masuuliyiinta ganacsiga dalka Turkiga oo ahaa mid aad u heer sareeyey ayaa ku dhamaadey guul iyo is afgarad, waxaana labada dhinac wada gaareen heshiisyo iskaashi iyo ganacsi furan  isla markaasna sidoo kale ku balamey in la joogtooyo kulamada noocaan oo kala ah si loo xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada geesood.

idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.