Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo sheegay in uu diyaarshey magacyada golihiisa fulinta

36

[audio:http://idalenews.com/wp-content/uploads/2013/12/Hogaamiye-Axmed-Madoobe-.mp3]
Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo hoolka shirarka ee Jaamacada Kismaayo kula shiray odayaasha dhaqanka ee Jubaland ayaa odayaasha uga warbixiyay safarkiisi Nairobi iyo dhameystirka maamulka Jubaland.

Axmed Madoobe wuxuu odayaasha u sheegay inaysan jirin wax shardi ah oo ku xidhan dhameystirka maamulka Jubaland si deg deg ahna loo dhameystiri doono qeybaha ka dhiman maamulka isagoo sheegay in magacaabista golaha fulinta, magacaabista gudoomiyahaa degmooyinka iyo gobolada iyo dhismaha ciidamada ay kasoo hormari doonaan soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland.
axmed-madoobe

Wuxuu madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in si deg deh ah uu usoo magacaabi doono golahiisa wasiirada si ay maamulka ay usii wadaan inta laga soo xulayo xubnaha Baarlamaanka oo uu sheegay in laga yaabo inay jiidanto.

Mar uu soo hadal qaaday shirka ka socda Baydhabo ayuu sheegay in soomaalidu gobolo kala gedisan degantahay laakiinse ay soo dhaweeynayaan walaalahooda maamulka ku dhisanaya Baydhaba waliba ay ka caawinayaan wixii khibrada ay uleeyihiin isku tashiga.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland aysan jirin gobol ay col la tahay.

Idale News Online, Kismaayo

You might also like More from author

Comments are closed.