Kulankii Barlamaanka oo dhamaadey iyo beri oo mar kale loo balamey in doodaha dhiman ee xildhibaanada la soo dhameystiro

85

Sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Idale News Online ee ku sugan xarunta golaha baarlamaanka, waxaa hadda soo dhammaaday fadhigga baarlamaanka oo maanta in ka badan lix saac qaatay, waxaa laga dooddayay mooshinka laga keenay raysal wasaaraha.

In ka badan 30-mudane ayaa maanta ka hor akhriyay xildhibaannada baarlamaanka mooshinka raysal wasaaraha laga keenay, waxaa kaloo ku jiray xildhibaano aygana taageerayay raysal wasaaraha.

barlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka shir guddoominyay ayaa sheegay in fadhigga uu xiran yahay maadama waqti badan la fadhiyay, wuxuuna sheegay in maalinta berri meesha laga sii wadi doono.

Waxaa lagu tilmaamay dodda maanta midii ugu adkeyd ee ebid dhex marta baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii la unkay, waxaa laga dareemayay xildhibaannada sida ay u kala taageersan yihiin madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo hadda uu khilaaf xooggan uu ka dhex taagan yahay.

Idale News ONline

You might also like More from author

Comments are closed.