R/W Saacid oo sheegay inuusan ogolaan doonin natiijada ka soo baxda barlamaanka haddii aan loo ogolaan in barlamaanka ka hor hadlo

36

Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad oo maanta iskuday uu ku doonayey inuu baarlamaanka ku horyimaado si uu isaga difaaco eedeymaha loo soo jeediyey  ayaa waxaa uu arrintaasi kala kulmay diidmo ay soo jeediyeen 149 xildhibaan.

Ka dib waxa uu saxaafada ugu yeeray xafiiskiisa isaga oo rabay inuu shir jaraa’id ka qabto arrintaasi, markiise ay warbaahintii halkaasi tagtay oo ay kasoo laabteen shirkii baarlamaanka oo soo dhamaaday barina u dhacay ayuu Saacid Farax u sheegay inuu dib u dhacay inuu hadal ahaan saxaafada xog ku siiyo.

Balse waxaa uu u kala diray warbaahinta fariin qoraaleed uu uga jawaabayo codsigiisa maanta la diiday ee ku aadan inuu si difaaco waliba baarlamaanka hortiisa.

Saacid_shirdoon

Warqada qoran ee uu Ra’iisul wasaare Saacid Farax uga jawaabay mooshinka ka yaala iyo kulanka maanta loo diiday inuu ka qeybgalo  oo la soo gaarsiiyey warbaahinta Idale News Online waxay u qoran tahay sidan :

Eedaymaha mooshinka ku xusan ee lagu dhudhuminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan. Waxaa maqan xog-ogaalnimo rasmi ah.

Hadaba, si waafaqsan cadaaladda dabiicigaa (Natural Justice) iyo shuruucda dalkaba – waxaa xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda.

Sidaas la’adligeed, ‘xukuumad ahaan’, waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay. Go’aan kasta oo la gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo awaal.

You might also like More from author

Comments are closed.