Xulka Qaranka Somalia oo guul daradii ugu horeysay ka soo hooyey kulankii ay Burundi la yeesheen + Sawiro

34

Xulka qaranka Burundi ayaa galabta 2-0 kaga badiyay xulka Soomaaliya kulan ka tirsanaa tartanka xulalka bariga iyo bartamaha Africa oo ka dhacay magaalada Machakos ee dalka Kenya.

Labada xul ayaa ka wada tirsan qeybta B waxaana ku wehliya xulalka Tanzania iyo Zambia.

Ciyaarta oo ka dhacday magaalada Machakos oo 64 Km u jirta Nairobi, ayaa sababtay in aysan ka qeyb-gelin soomaali fara badan, balse waxaa soo xaadiray garoonka boqollaal Soomaali ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku billaabatay si deggan, iyadoo ciyaartoyda xulka Soomaaliya ay muujiyeen dadaal haddana uma suurta-gelin inay gool dhaliyaan.

Gool-hayaha xulka Soomaaliya Maxamed Shariif oo ka yimid dalka Holland, ayaa dhowr fursadood bad-baadiyay ka hor inta aysan Burundi helin goolkooda koowaad daqiiqadii 42-aad.

Goolka ayaa ku dhashay qalad ay sameeyeen daafacyada xulka Soomaaliya kaas oo ay ka faa’iideysteen Burundi.

Qeybta labaad ee ciyaarta ayaa badankeed lagu ciyaarayay iyadoo roob xooggan uu ka da’ayay garoonka taas oo saameyn ku yeelatay ciyaartoyda Soomaalida oo aanan u baran inay roob ku ciyaaraan.

Goolka labaad ayay Burundi heshay 10 daqiiqo kadib billaabashada qeybta dambe ee ciyaarta kadib markii kubbad laga soo tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa uu bad-baadin kari waayay gool-haye Maxamed Shariif.

Qeybta dambe ee ciyaarta ayay kooxda Soomaalida iska lumiyeen fursado gool ay ku dhalin kareen, iyadoo si wanaagsan ay u ciyaareen qeybta dambe inkastoo roob uu da’ayay.

Guud ahaan ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday xulka Burundi.

Macallinka xulka Qaranka Soomaaliya, Maxamed Cabdulle Fara-Yare oo warbaahinta la hadlay ciyaarta kaddib, ayaa sheegay in ciyaartoydiisa ay si wanaagsan u ciyaareen balse ay saameyn ku yeelatay cimilada magaalada lagu ciyaarayay.

Wuxuu xusay in ay rajo wanaagsan ka qabaan kulamada kale ee ay la ciyaari doonaan Tanzania iyo Zambia.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko, qaar ka tirsan ciyaartoydii hore ee qaranka iyo masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ka mid ahaa dadkii garoonka ku sugnaa ee ciyaarta daawanayay.

Kulanka labaad ayay Soomaaliya la ciyaari doontaa Tanzania Axadda soo socoto, halka kulanka ugu dambeeya ee qeybta B la yeelan doonto Zambia 4-ta December, labada kulan ayaa qorsheysan in lagu ciyaaro Nairobi.

Xulalka Tanzania iyo Zambia oo iyaguna galabta ciyaaray ayaa ku kala tagay 1-1.

Ciyaartoydii u safneyd xulka qaranka Soomaaliya:

Qaab Ciyaareedka 4-4-2

Goolhaye:

1-    Maxamed Shariif (Koox ka dhisan Holland).

Difaac: 2: Mahad Maxamed Xaaji (Heegan), 6: Kabtan Xasan Cali Rooble Babaay (Elman), 13: Aadan Xuseen Ibraahim (Sahafi FC), 5: Xasan Xuseen Maxamed (Elman).

Dhexda: 5: Daa’uud C/llaahi Xasan (Jeenyo), 8: Deeq C/qaadir Nuur (Heegan), 11: Maxamed Saalax Xuseen (Elman) iyo 19: Caadil Nuur (Banaadir SC).

Weerar: 14: Jabriil Xasan Fariid (Heegan) iyo Saadaq Cabdulqaadir Maxamuud (AFC Leopards).

Beddel: 18: Siidii Maxamed Cumar (Heegan) iyo 15: Maxamed Cabdi Xaayow (Heegan).

DAAWO SAWIRRADA:

xulka qaranka01

xulka qaranka02

xulka qaranka04

xulka qaranka05

xulka qaranka06

xulka qaranka07

xulka qaranka08

xulka qaranka09

xulka qaranka10

xulka qaranka11

xulka qaranka12

xulka qaranka13

xulka qaranka14

xulka qaranka15

xulka qaranka16

xulka qaranka17

xulka qaranka18

xulka qaranka19

xulka qaranka20

xulka qaranka21

xulka qaranka22

xulka qaranka23

xulka qaranka24

xulka qaranka25

xulka qaranka26

xulka qaranka27

xulka qaranka28

xulka qaranka29

xulka qaranka30

xulka qaranka31

xulka qaranka32

xulka qaranka33

xulka qaranka34

xulka qaranka35

xulka qaranka36

xulka qaranka38

xulka qaranka40

xulka qaranka41

xulka qaranka42

xulka qaranka43

Idale News Online, Nairobi

You might also like More from author

Comments are closed.