Jawaari oo u muuqda inuu haysto codad ku filan inuu noqdo Gudoomiyaha Cusub Ee Barlamaanka Soomaaliya

39

Diyaargowga doorashada guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo si aad uga looga dareemaayo guud ahaan xarumaha siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ee magaalada Muqdisho, ayaa wararka hordhac  ah ee laga soo sheegaayo ololaha doorashada Afhayeenka barlamaanka saadaalinaayaan in  Prof Maxamed Osmaan Jawaari oo ah siyaasi hore, ahna sharci yaqaan aad looga yaqaano dalka gudihiisa iyo dibadiisaba isla markaana ka mid ahaa quburadii sharciga ee loo xilsaarey diyaarinta Dastuurka Soomaaliya yeelan doonto in 2/3 ama seddex meelood labo meel uu haysto codadka xildhibaanada cusub ee barlamaanka.  Halka musharaxa kale ee la tartaraamaya oo ah Dr. Ali Khaliif Galeyr haysto taageero aad u kooban oo u badan taageerayaasha Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo weliba Madaxweynihii xilkiisu dhamaadey ee Shariif Sheikh Axmed.

2da Shariif oo u muuqda iney soo food saartey guuldaro siyaasadeed, isla markaasina waayey taageerada xubno ay isku dhowaayeen ayaa doorashada Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxay dhabbaha u xaarayso sidii uu Shariif Xasan & Sheikh Shariif Sheikh Axmed  ku waayi lahaayeen hammigooda iyo u hanqal Taaqal taaga Jagada Madaweynaha Soomaaliya oo ay sheegeen iney doonayaan xilkaas.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada Prof Jawaari ayaa noqon doonta guul siyaaasadeed oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed u soo hooyata, noqoneysana markii ugu horeysey ee barlamaanku yeesho hogaan leh aqoon iyo maamul sharciyeed oo ilaaliya sharuucda u degsan dadka iyo ilaalinta hantida qaranka.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.