Waa Sidee Xaalka R/W Saacid Maalin ka hor kulanka barlamaanku ku gorfeynaayo khilaafka Madaxda Sare ee Golaha Fulinta

41

Inkastoo warar been ah ay maalmahaan suuqa wareegayaan kuwasoo oranaya in ay in ka badan boqol xildhibaan ay saxiixeen Mooshin ka dhan ah Raysal wasaaraha hadana wararkaas waa kuwo been ah,khalkhalna lagu galinayo Xafiiska Raysal wasaaraha, Xaqiiqduna waxay tahay arinta oo meel kuluk maraysa iyo Xildhibaanada oo sadex ukala jabnaa maalmo ka hor, iyadoo Idale New Online loo xaqiijiyey iney adag tahay in Mooshin ka dhan ah Raysal wasaaraha ay xildhibaanadu u codeeyaan maalmahaan.

Saxaafada Muqdisho waxay saaka baahiyeen war la mid ah kuwa aan kor kusoo sheegney ee beenta ah ,warkaas wuxuu oranayay in Shir Xasaasi ah ay maanta wada qaatey Saacid iyo Jawaari, Laakiin Idale News Online waxay hayaan inuusan maanta wax kulan ahi uusan dhex marin labadaas Masuul.

Saacid_shirdoon

Wararka aan heyno oo aad ugu dhow qaar ka mid ah Xildhibaanada waxay sheegayaan in Dagaalka u dhexeeya Saacid iyo Xasan uu hada marayo meel kulul ayna adag tahay in maalmahaan mooshinku uu hir galo waayo waxaa aad usoo badanaya Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka kuwasoo ku andocoonaya in Mooshinku uusan ahayn mid Dastuuri ah, aysana jirin sabab rasmi ah oo Raysal wasaaraha lagu eedeeyo.

Waxaa kaloo carqabad ku ah Mooshinka inuu meelmaro waa iyadoo Xildhibaana badankoodu ay ku andocoonayaan in laga doodo Mooshinka oo la cadeeyo sababo badan oo mooshinka ku qoran, Arintaan waa Dastuuri oo cid is hortaagi karta ma jirto, Waxayna taasi keeneysaa in mudo todobaad ah la doodo lana is hor fariisto.

Waxaa iyana carqabad kale noqotey Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la ogaadey inuu la safan yahay Madaxweynaha taasina waxaa aad uga xumaadey Xildhibaano awal arinta dhexdhexaad ka ahaa, kuwasoo ahaa garabka sadexaad ee Xildhibaanadu u qaybsanaayeen maalmhaan, Xildhibaanadaan badan koodu waxay ku biireen maanta kuwa kasoo hor jeeda Mooshinka.

Saxaafada Muqdisho ayaa iyana bilaabay iney maalmahaan baahiyaan warar been iyo buunbuunin ah oo u muuqda borobogaando, kuwasoo u janjeera dhinaca Madaxweynaha.

Haddaan usoo laabto Madaxtooyada Soomaaæiya oo ay kuwada sugan yihiin Xasan, Saacid iyo Jawaari ayaa xaalkeedu aad xasaasi u yahay maanta, Xasan iyo Jawaari tan iyo xalay waxay wada yeelanayeen kulamo dheeri ah, Halka Saacid iyo kooxdiia la go’doomiyey oo uusan jirin Wax wada shaqayn iska daaye wada hadal ahi oo ay la leeyihiin xafiiska Madaxweynaha.

Xaalka Saacid iyo Xasan wuxuu hada marayaa meel aad u kulul, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa soo xumaanaya xiriirka labada xafiis.

 

Idale News ONline

You might also like More from author

Comments are closed.