Muuse Xuseen, Gudoomiyaha kmg ee dowlada Somalia, oo aan weli ka hadlin isqabqabsiga saxiixayaasha

57

Guddoomiyaha kmg ee barlamaanka Somalia oo dhowaan xildhibaanada cusub u doorteen inuu shir gudoonsho barlamaanka inta laga dooranaaya gudoon cusub General Muuse Xasan Cabdulle ayaa u muuqda inuusan rabin inuu ka hadlo isqabqabsiga xagga sharciga ee u dhaxeeya saxiixayaashii roadmap ee waqtigoodu dhamaadey kuwaasoo ku howlan sidii ay u afduubi lahaayeen hanaanka sharciga iyo dastuurka dalka u degsan.

Barlamaanka Somalia oo ah hay’ada ugu sareeysa  ee hadda dhisan lehna awood buuxda oo ay ku soo faragalin karto murankaan siyaasadeed ee sharciga ah, bedelkii maxkamada sare laga dalban lahaa xalinta arrintaan la isku haysto. General Muuse Xasan, Afhayeenka kmg ah ee Barlamaanka, oo sida sharciga sheegaayo ah masuulka ugu sareeya ee dalka ilaa inta laga dooranaayo gudoonka cusub ee barlamaanka maalinta Talaada  ee bisha August tahay 28ka, ayaa howshiisa ku koobey oo kaliya diyaarinta doorashooyinka, halka saxiixayaashii roadmapka qaarkood yihiin xildhibaano ka tirsan barlamaanka ay ku howlan yihiin arrimo sharciga ka baxsan oo ay aheyd in hay’ada sharci dejinta dalka looga dambeeyo

Dhowaan ayey aheyd markii madaxweyhii  waqtigiisu dhamaadey Shariif Sh. Axmed iyo Gudoomiyihii hore Sharif Xasan ay u dalbadeen in maxkamada sare loo  gudbiyo xubnaha la celiyey, isla markaasna maxkamada sare ay arrintaas go’aan ka gaarto.

arrintaas ayaa  waxaa  diidmo kala horyimid 4 ka mid ah saxiixayaasha, isla markaasna  guddiga soo xulista barlamaanka sheegey  iney howsha u taala dhameystirayaan, dhegna jalaq u siin doonin go’aanada madaxdii hore ee dowlada iyo kan maxkamada sare.

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.