Daawo Safirka Turkiga ee Somalia oo si weyn loogu soo dhaweeyey Somaliland

46

Safiirka Turkiga ee dalka Somalia Mr Kemaludin Turan ayaa booqasho qaadan doonta 3 cisho u tagey Somaliland, wafdiga Safiirka Turkiga oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Hargaysa, ayaa muddada uu joogo waxa uu kulamo la kala yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo wasiiradiisa Arrimaha Dibada, Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga kuwaasoo ka wada hadli doona arrimo u badan siyaasada, maalgashiga, dhameystirka heshiisyadii 1aad iyo 2aad oo Somali iyo Somaliland horey ugu dhex marey dalka Turkiga

Xiriirka Somaliland iyo dalka Turkiga ayaa aad u soo hagaagaayeye cishooyinkii ugu dambeeyey iyadoo wadanka Turkiga uu aad u daneyneyso in iskaashi ganacsi la yeesho maamulka Somaliland, waxaana dhowaan Madaxweynaha Somaliland magaalada Hargeysa ku qaabiley shirkad baarta saliida oo lagu Magacaabo Genel Energy oo dalka Turkiga leeyahay kuwaasoo heshiis baaris shidaal ka bilaabey goobo lagu tuhunsan shidaal oo maamulkaasi hoostaga.

Dhanka kale, waxay dowlada Turkiga isku dayeysaa in ay isu soo dhaweyso Somalia iyo Somaliland oo wada hadalkoodu muqdi soo kala dhex galey iyadoo labada dhinac isku eedeeyey inuu jabiyey heshiisyadii horey  u gaareen. Wasiirada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in jiritaanka Somalia uu qatar ku yahay nabadgelyo Somalia, halka Wasiirka arrimaha gudaha Somalia uu isna sheegay in Somaliland hadalo aan loo meel dayin iyo burburinta heshiisyadii hore loo gaarin ku howlan tahay.

turanSomaliland

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.