Afhayeenka Barlamaanka Jawaari oo Muqdisho ku soo laabtay arimo badan Daaha ka qaadey

34

Guddoomiyaha Baarlamaanka  Soomaaliya iyo wafdi xildhibaano  ah oo uu hogaaminayay ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde,  iyadoo garoonka ay ku soo dhaweeyeen guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka,  xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Wasiiro,  iyo mas’uuliyiin kale,  iyagoo ka soo noqday dalka Kuwait oo  ay kaga  qeyb galeen shir  madaxeedka carabta iyo Afrika oo lagu qabtay dalkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii lagu soo dhaweeyay  garoonka, ka dib qeybta  nasashada garoonka  kula hadlay warbaahinta  ayaa ka warbixiyay safarkiisa, isagoo ugu horeyn ka mahad celiyay sida heerka sare ah ee wafdigiisa loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay shirkii Kuwait magaca madaxweynaha Soomaaliya in uu kaga qeyb galay,   islamarkaana ay ka qeyb galeen 77 dal, waxaana aan gaarsiiyay arrimo la xiriira Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu  sheegay intii halkaasi uu ku sugnaa in shirar gaar gaar ah uu la qaatay madaxdii isugu timid shirka islamarkaana uu kala hadalay arrimaha Soomaaliya iyo horumarada ay ku tilaabsatay.

Jawaari1

Maalmihii u danbeyay waxa la hadal hayay Mooshin ka dhan ah Xukuumadda uu Hogaamiyo Saacid Faarax Garaad waxaana Guddoomiye Jawaari la filayaa inuu ka hadlo saacadaha soo socda.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.