Tirada Xildhibaanada Saxiixay Mooshinka lagu ridayo R/W Saacid oo sii kordhaaya

113

Waxaa magaalada Muqdisho isbuucii ugu dambeeyey si aad ah uga socdey mooshin looga soo horjeedo R/Wasaaraha Soomaaliya waxaana ilaa hada saxiixay Xildhibaano gaaraya ilaa 100-Xildhibaan kuwaas oo la filayo saacadaha soo aadan in ay Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyaan Mooshinka lagu ridayo R/Wasaaraha.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada u muuqda in ay hal dhinac u batay, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta badan kasbaday kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya .

Xildhibaanadan Baarlamaanka ee saxiixay mooshinka ayaa u muuqda kuwa Madaxweynaha uu ka kasbaday taageeradooda qaarkood la siiyay lacago halka kuwa kalana loo balan qaaday jagooyin Muhiim ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee saxiixay Mooshinka lagu ridayo R/Wasaaraha soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay sii kordhaan saacadaha soo aadan maadama ay kambeenka madaxweynaha ay adeegsanayaan dhaqaale iyo xilal muhiim.

hasanVsSacid

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.