Dhageyso:Indhacade oo beeniyey inuu dagaalka Shabeelaha Hoose ka socda ku lug leeyahay sheegayna inuu Shabaab iyo dowlada u dhaxeeyo

85

Xilli dagaalada ka dhacay deegaanka Nambar Kontan ee Gobalka Shabeelaha hoose lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay Sheekh Yuusuf Siyaad Indhacade ayaa arintaasi waxaa si kulul ubeeniyay Indhacade.

Wuxuu sheegay Indhacade in dagaalada ka dhacay Gobalkaasi uusan ka qeybgalin sidoo kalena uusan lug ku laheyn, isaga oo sheegay inay jiraan dad ku eedeeyay ku lug lahaanshaha dagaaladaasi.

[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/11/sheekh-yuusuf-Indha-Cade.mp3]

indhacadeYuusuf

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa sheegay in ciidanka meesha ku dagaalamay inta uu ka ogyahay ay yihiin ciidan Shabaab ah iyo kuwa Milateriga Dowladda Federaalak Soomaaliya sida uu yiri.

Wuxuu si adag isaga beeniyay wararka sheegaya inuu hogaaminaye ciidanka dagaalka ku qaaday Nambar Kontan ee ka tirsan Milatariga.

Wuxuu xusay in hada aan la joogin waqtigii jabhadeynta sida uu yiri, meesha uu tagayana amar madaxda dalka kasoo baxay uu ku aado oo laga warqabo meel waliba uu tagayo.

Dagaalada ka dhacay Nambar Kontan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan General Qaafoow iyo Goobaale iyadoo Indhacade uu iska fogeeyay ku lug lahaanshaha dagaaladaasi.

You might also like More from author

Comments are closed.