Gudoomiyaha Barlamaanka iyo wafdigiisa oo kulan la qaatey Madaxda dalka Kuwait

57

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu wehliyo Wasiir dowlada wasaaradda Arrimaha Dibedda Dr.Maxamed Nuur Gacal iyo Mudanaayal Baarlamanka ah ayaa maanta soo gaaray Magaalada Kuwait City oo ay uga qeybgalayaan shirka iskaashiga Carabta iyo wadamada Afrika kaasoo berito ka furmi doona Magaalada Kuwait.

Prof. Jawaari oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Wadanka Kuwait ayaa waxaa sidoo kale wehliyay xildhibaano uu kamidyahay Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Dibedda ee Baarlamanka Soomaaliya Xildhibaan C,qaadir Cosoble Cali,wasiirkii hore ee Warfaafinta Sheekh Daahir Maxamuud Geele iyo Mas’uuliyiin, oo ka Mid yahay Dr: Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa waxaa loo galbiyay Qasriga Madaxtooyada Wadankan, halkaasoo uu kulan kula qaatay Wafdigii horay ugu sugnaa Kuwait oo uu kamidyahay Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta iyo Diplomaasiyiinta Soomaliya u jooga Wadamada Carabta Qaarkood gaar ahaan wadamada Kuwait,Liibiya iyo jaamacadda Carabta.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Dr.Maxamed Nuur Gacal oo Warbaahinta Qaranka lahadlay ayaa sheegay in wafdiga uu horkacayo Gudoomiyaha Baarlamanku ay qodobo muhiim ah la hortagi doonaan shir madaxeedka iskaashiga Dalalka Afrika iyo Carabta oo berito furmaya islamarkaana ay ajandayaasha ugu horeeya ee laga hadlayo kujirto xaaladda Soomaaliya maadaama ay soo gudbiyeen Dalalka Carabta iyo Afrika oo uu dalkeenu labadaba xubin buuxda kayahay.

jawariKuwait1 doodishe&SafiirkaK jawariKuwait4 jawariKuwait jawariKuwait2

Sidoo kale Wasiir Dowlada Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal ayaa tilmaamay in go,aano waxtar u leh Soomaliya laga filan karo gabagabada Shirkan oo kusaabsan Maalgashiga, Iskaashiga iyo isku xirka carabta iyo Afrika.

Maalinimada Berri ah ayaa lagu wadaa inuu shirkani ka furmo Magaalada Kuwait City iyadoo ay ka qeybgalayaan inkabdan  64 Dowladood oo Carab iyo Afrikan isugu jira waxaana Soomaliya ay u tahay fursad muhiim ah maadama ay dalal badan oo daneynaya islamarkaana ay xiriir soo jireen ah la laheyd ka qeybgalayaan iyo tan labaad oo ah inay kujirto ururada shiraya labadaba. 

 

You might also like More from author

Comments are closed.