Barlamaanka Somalia oo u balansan 20ka Bishaan in la soo afjaro khilaafka Madaxweyne Xasan & R/Wasare Saacid

69

Is mari waayga u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Saacid ayaa ugu dambeyntii madaxda sare ee dowlada  isla garteen in maalinta Arbacada bishuna tahay 20 November lagu dhameeyo gudaha barlamaanka iyadoo kalsooni loo qaadi doona xukuumada Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon haddii xiligaan ka hor si hoose aysan u dhameysan khilaafkooda.

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo gooni gooni ah oo ay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaruhu la kala yeelanaayaan xildhibaanada barlamaanka kaasoo ay ku doonaayaan in kalsoonida maalinta kala baxa. Wararka lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaayo in Madaxweynuhu kulamadii ugu dambeeyey ee uu la yeeshey xildhibaanada ku qanciyey in Ra’iisul wasaaraha uusan helin codka kalsoonida. waxaa ilaa iyo hadda uu madaxweynuhu kalsooni buuxda ku qabaa inuu helaayo inta badan codadka xildhibaanada taageersan go’aankiisa.

breakingIdaleNews

139 cod ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid u baahan yahay inuu sii shaqeeyo ama codka kalsoonida barlamaanka ku waayo. Madaxweynaha ayaa kalsooni ku qaba in uu heli karo in cod ka badan 139 xildhibaan oo uu Ra’iisul Wasaaraha ku eryo haysto taasoo u saamaysa Madaxweynaha in uu ra’iisul wasaare kale soo magacaabo muddo ku siman 30 cisho.

Madaxweyne Xasan ayaa ka baaqdey shirka madaxda Afrikaanka iyo carabta uga furmaaya 18 ilaa 19 bishaan, waxaana shirkaas bedelkiisa Somalia uga qaybgalaaya wafdi uu hogaaminaayo gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari, halka madaxweynaha uu ku howlan yahay in ka hor bishaan 20keeda uu helo cod xildhibaano ku filan oo uu xaalka cakiran ee isaga iyo ra’iisul wasaaraha soo afjara.

Idale News Online

 

You might also like More from author

Comments are closed.