Daawo: Abwaan Sangub oo sameeyey Filim cusub oo la baxay “Ummad Wada Siyaasi ah sidee loo dhaqaayaa”

177

Abwaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamuud C/hi Ciise “Sangub” ayaa maskaxdiisa ka soo maaxatey film cusub oo la magac baxay Ummada wada siyaasi ah sidee loo dhaqaayaa kasoo ka hadlaaya siyaasada guud ee dalka iyo sida bulshada ay u wada saameysa siyaasadda xal u helid la’aanta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Film ayaa waxaa si aad ah uga dhex muuqa Xildhibaan Saado Cali Warsame, Maxamed C/hi Ciise Sangub, Maxamed Wardi, Abwaan daago iyo majaajiliseyaal kale aad dadku aad u jecel yihiin.

sanjubFilm

Abwaanka ay sheekadaan maskaxdiisa ka soo maaxatey ayaa iin mudoo ah ku sugnaa magaalada Muqdisho waxaana abwaanku lagu tiriyaa mu’alifiinta Somaliyeed ee ka haray dadkii hore ee leh Ilaahey siiyey halabuurka iyo riwaayadaha sida aadka u soo jiida bulshada Soomaaliyeed aadna ay u jecel yihiin.

Bal nala daawo hordhaca film oo dhowaan Somali National TV uu soo saari doono:

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.