Madaxda Cisbitaalka Magaalada Baydhabo oo Baahida Isbitaalka ka jirta u gudbiyey waxgarad ka socda Jaaliyada dibada oo maanta booqday halkaas

63

Axad,  November 17,2013 (Idale News Online “INO”):  Gudoomiyaha Jaaliyada DM ee dalka Australia Aweys Sheikh Muhiyadiin oo haatan booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ayaa saaka kormeer ku tegay isbitaalka guud magaalada Baydhabo oo ay jiifaan bukaano kala duwan, halkaasoo ay ku sugnaayeen dhamaamba shaqaalaha, dhaqaatiirta iyo maamulka ibistaalka, wuxuuna mid mid u wareystay xaaladda bukaanadii jiifay ibitaalka, waxaana qaar ka mid ah dhaawacyadani ay ahaayeen Askar ka tirsan ciidanka dawladda.

Ka dib kulan ay wada qaateen masuuliyiinta sare ee Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo iyo madaxa Jaaliyada DM ee dalka Australia ayaa lagu soo bandhigay baahid ka jirta isbitaalka iyo sida ay isaga kaashan lahaayeen labada dhinac howlaha

aweysBaidoa

 

Madaxa Isbitaalka weyn magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Isbitaalka uusan haysan dhamaan tasiilaadkii Isbitaalka u baahnaa, ayna jirto daawo yari, bukaanka jiifa iyo daawada taalana aysan isu dheelitirneyn, sidaas darteed waxay u baaqeen gargaar deg deg ah oo lala soo gaaro si uu u daboolo baahida guud ee caafimaad ee gobolka ka jirta isla markaasna shaqadiisa aysan hakad u galin.

Madaxa Jaaliyada Digil & Mirifle Aweys Sheikh Muxiyadiin oo uu wehliyey Rector Jaamacada Koonfur galbeed Maxamed Cali Kalaay ayaa ku wareegay dhismaha iyo qolalka isbitaalka iyo bukaanka jiifay waxayna xog-uruurin ka dib go’aamiyeen in account gaar ah oo uu leeyahay isbitaalka oo labada dhinac ay wada maamulayaan taasoo looga gol leeyahay isku xirka iyo iskaashiga jaaliyadaha dibada iyo Isbitaalka Baydhabo si baahida shaqaalaha iyo guud ahaan kharashaadka isbitaalka u baahan yahay hakad u galin.

Jaaliyada DM ee dalka Australia ayaa marar badan deeq isugu jirta qalab kala duwan iyo mid lacageed gaarsiiyey Isbitaalka wayn ee magaalada Baydhabo kuwaasoo looguna talo galey in ay wax ka qabata baahida  iyo bukaanka ku jira Isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo, sidaas darteed booqashada wafdiga jaaliyada iyo waxgaradka kale ee booqdey ayaa wax weyn ka bedeli doono shaqada isbitaalka u haayo bulshada iyo moralka shaqaalaha Isbitaalka.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.