Daawo: Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe oo sheegay in 80% qaxootiga Jooga dalka Kenya ay markoodii hore ka yimaadeen Jubaland, soo celintoodana ay soo dhoweynayaan

57

Hogaamiyaha Maamulka Kmg ah ee Jubba ayaa wareysi siiyey Citizen TV ee dalka Kenya ayaa sheegay in maamulkiisa uu soo dhaweynaayo heshiiska sedex geesoodka ahaa ee dowlada Kenya, Somalia iyo hay’ada Qaxootiga ee UNHCR ku gaareen in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in qaxootiga dalka Kenya ku sugan intooda badan ay ka yimaadeen deegaanada Maamulkiisa kmg ee Jubba sidaas darteed maamulkiisa uu diyaar u yahay dib u dejinta qaxootigaas haddii iskood ay u go’aansadaan iney dalkooda dib ugu soo noqdaan.

Dowlada Kenya ayaa weerarkii West Gate ka dib tuhun weyn ka muujisay qaxootiga Soomaalida ah oo in muddo ah ku noolaa xeryaha qaxootiga ee waqooyi bari Kenya. Xeryahaas ayaa waxay marti geliyeen nus milyan qaxooti Soomaaliyeed ah oo ka soo cararey dagaalada ka socda dalkooda, hase ahaatee dowlada Kenya waxa ay tilmaamtey in qaxootigaasi ay gabaad u noqdeen kooxo xiriir la leh ururka Alshabaab, kuwaasoo sheegay masuuliyada weerarkii West Gate oo la ay ku dhinteen dad ka badan 67 qofood tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

axmed-madoobe

Idale News Online

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.