Dadaalo lagu doonaayey in R/W Saacid is-casilo oo fashil ku dhamaadey iyo Barlamaanka oo khilaafka xalintiisa la wareegaya

53

Warar naga soo gaaraya dhanka Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in habeennimadii xalay kulamo ka dhacay Villa Somalia ay yeesheen Madaxweynaha, Xildhibaano iyo Saraakiil isugu jira Somali iyo AMISOM taasoo looga hadlaayay Xaalladda Amman ee Magaaladda Muqdisho.

Dadaal badan oo la isku dayay in xaalka iscasilaada R/Wasaaraha lagu dhameeyo si hoose ayaa gabi ahaanta fashilmey iyadoo R/Wasaare Saacid u sheegay dhamaan dadkii uu la kulmey in barta kala baxa ay tahay golaha shacabka.

Intaa kadib Madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay in Xildhibaanada uu ku wargaliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo afjaraan Mooshinkii ay ku ridi lahaayeen Ra’isul  wasaaraha Somalia Shirdoon oo isagu meel cad kaga tagay soo jeedinta madaxweynaha u soo jeediyey ee ah inuu is casilo.

Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa waxa uu xalay  Xildhibaano isaga taageersan si ay  meel mariyaan mooshinka ka dhanka ah Ra’isul wasaare Shirdoon haddii uusan go’aanka iscasilaadiisa soo gudbin, waxaana lagu soo waramaaya in Mooshinkaasi ay ka qeybqaadan doonaan in kabadan 100 Xildhibaan oo badan-kooda dhaqaale xoogan lagu bixiyay hirgalinta Moshinkaasi.

Villa Somalia ayaa muddo 4-Maalin gashay xaalad adag iyadoona ay inta badan kusii qulqulayaan Siyaasiyiin cadaan iyo kuwo Somali ah si ay xal ugu helaan Khilaafkaasi laga hadal haayo dal iyo dibad’ba.

Ma cadda halka ay gaari doonaan dadaalada uu Madaxweynaha ugu jiro sida lagu ridi lahaa Ra’isul wasaare Saacid, wallow Ra’isul wasaaraha uu dhankiisana ka cadaadinaayo xildhibaano iyo Wasiiro si mooshinkaasi loo laado.

saacidvsHassan

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.