2da Shariif oo mar kale xulufo noqotey, Culeyskoodana isugu geeyey Cali Khalif Galeyr (Warbixin Xiiso leh)

26

Iyadoo uu socdo loolan iyo isbaheysi cusub ayaa markale waxaa siyaasadu isku keentey 2dii Shariif (Waa Shariif Axmed iyo Shariif Xasan) oo mid kastaa waayey taageeradii kaligiis filaayey iyo codadkii ay markii hore ku xisaabtameen, sababo la xiriiro in guddiga faramadu diideen qaar ka mid ah musharaxiintooda iyo in ay waayeen saaxiibo ay gadaal ka riixaayeen oo dhanka kale u weecdey.

Shariif Xasan Sheikh Aadan oo uu culeys ka soo wajahay musharaxnimada Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari & Maxamed Rashiid Sheikh Daahir oo ka soo jeeda Beelaha Digil & Mirifle, ayaa qorshe cusub ula tagey Shariif Sheikh Axmed. Waxaana Shariif Xasan ku taliyey in dhaqaale iyo awood kastaa ay leeyihiin ku taageeraan sidii Cali Khaliif Galeyr uu ugu guuleysan lahaa xilka Af-hayeenka Barlamaanka, si ay meesha uga baxdo musharaxiinta ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo Shariif Xasan u arko mid meesha ka saareysa musharaxnimadiisa hogaanka sare ee Soomaaliya.

Sidoo kale,  madaxweynaha ayaa isna culeys uu ka haystay musharaxnimada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Prof Abdiweli Ali Gaas oo ka soo wada jeeda beelaha Daarood, lana hubo in beelahooda ay ka codeyn doonaan qof kastaa oo ka soo jeeda beelaha Daarood, ayaa arrinta Shariif Xasan ula yimid u arkey mid rajo galin karta marka ay 2da Shariif ay ku soo haraan tartanka, isla markaana ku waafaqey soo jeedintiisa ah inuu Prof Jawaari ka haro oo markaas Cali Khaliif isugu tagaan si ay himiladooda siyaasadeed u gaaraan. Sida kastaa ha ahaatee waxaa muuqata in 2da shariif  mid kastaana ajandihiisa qarsoon  ee u gaarta ah wato, laakiin xaalada siyaasadeed ee ay hadda ku sugan yihiin 2da shariif  iskuga keentay hal meel iyo dan mushtarak ah maadaama mid kastaa uusan rabin inuu tartanka si sahlan uga haro.

Dhanka kale, Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo markii hore ay saaxiib dhow ahaayeen Shariif Sheekh Axmed ayaa isbaheysiga labada shariif  ku dhalisey dareen cusub, hase ahaatee kuma qasaarin oo isaga iyo Musharax kale ee Digil iyo Mirifle Maxamed Rashiid Sheikh Daahir Culeys bilaabeen sidii ay awoodooda hal meel isugu keeni lahaayeen isla markaasina hal musharax oo Digil & Mirifle u yeelan lahaayeen.  Waxaa suurtagal in Maxamed Rashiid Sheikh Daahir uu u tanaasulo oo taageerayaashiisana ku ay u codeeyaaan  Prof Maxamed Cismaan Jawaari. Weli Si rasmi ah Maxamed Rashiid uguma dhawaaqin inuu ka baxey musharaxnimadiisa ku aadan jagada Af-hayeenka Barlamaanka balse weli waxaa socda wada hadal ah sidii isbaheysigaas 2da Shariif ay ku doonaayaan in Musharaxiinta Beelaha Daarood sida Abdiweli Cali Gaas iyo Farmaajo meesha looga saari lahaa, ka dibna 2da Shariif sidaas ay ugu fududaato in midkood ku soo baxo jagada Madaxtinimada dalka balse ay aad u adag tahay in heshiis gaareen marka meesha laga saaro musharaxiinta beelaha Digil & Mirifle ee jagada gudoomiyaha Barlamaanka waaba haddey siday rabaan wax u dhacaan.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasada waa ay wajiyo badan tahay, waxaana markastaa la filan karaa isbedel ku yimaada siyaasiyiinta 2da dhinac ee loolanku ka dhaxeeyo. Hadda waxaa kala tagey waa Shariif Xasan iyo Abdiweli, waxayna maanta markale isu keentey Shariif Xasan iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed. waxay sidoo kale kala tagey Prof Jawaari iyo Shariif Sheikh Axmed. waxay siyaasada hadda socota isu soo dhaweysey Jawaari iyo Abdiweli. berina la arki doono  halka ay mar kale xaalada siyaasada iyo doorashooyinka hogaanka sare iyo tan barlamaanka ku biyo shubato.

Waxaase muuqata in 2da dhinac ee hadda loolanku ka dhaxeeyo in mid kastaa doonaayo in musharaxooda ku soo baxo jagada Afhayeenka barlamaanka. Waxa kastaa waxay kala cadaan doonaan marka la gaaro maalinta codeynta cida sida rasmiga ah ugu soo baxda maadaama loolanka adag ee jagada Gudoomiyaha Barlamaanka uu ka dhaxeeyo Ali Khaliif Galeyr oo ay taageerayaan 2da shariif iyo isbaheysiga dhanka kale oo taageeraaya mid ka mid ah 2da musharax ee Digil & Mirifle oo midkood la filaayo inuu kan kale u tanaasulo si awoodooda aysan u kala dhantaalmin.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.