Dhageyso: Isqabqabsi Wasiirada Arrimaha Dibada Somalia iyo ku xigeenadeeda oo saameyn ku yeeshey safaaradaha dibada

59

Waxaa soo baxaya khilaaf soo kala dhex galay mas’uuliyiinta Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya taasi oo laga yaabo baa la leeyahay inay khilaafka darteed u xirmaan qaar ka mid ah Safaaradaha Somalia ku leedahay dalalka Caalamka.

Halkaan ka Dhagesyo Warbixinta:[audio:http://idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/isqabqabsigaSafaaradaha.mp3]

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in khilaaf aad usareeya hadda uu u dhaxeeyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan iyo qaar kamid ah Kuxigeenada Wasaaradaasi gaar ahaan Gacal iyo Jamaal Baarrow

Khilaafka ugu weyn ayaa waxa uu ka jiraa shakhsiyaad kala duwan oo loo magacaabay Safaarada Somaliya ku leedahay Dalka Turkiga taasi oo xitaa ay soo fara gelisay Dawlada Turkiga kuna hanjabtay inay safaarada xiri doonto hadii aan xal la gaarin.
fowziaVsGacal
Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.