Duulimaadyadii Madaarka Hargeysa oo roobab iyo dabeylo dartood u istaagay + Warbixin

177

Iyada oo ay dhawaan uun ahayd markii ay shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ka qayliyeen sida xun ee loo musuqmaasuqay lacagtii $8 milyan ahayd ee ay dawlada Kuwait ugu  deeqday madaarada Somaliland si loogu dayactiro garoonka Hargeysa ee Somaliland ayaa waxaa  mar kale  soo laba kaclaysay fadeexadii garoonka Magaalo madaxda Soomaaliland ee Hargaysa kadib kolkii ay dhamaan diyaaradihii soo fariisan waayeen madaarka caalamiga ah ee Hargeysa roob ku da’ay dartiis.

Somaliland waxaa ka da’aya roobab laxaadleh tan iyo xalay, waxana ila filayaa inay illaa berri sii socdaan, roobabkaasi waxay keeneen in Magaalada Hargeisa ay maanta soo fadhiisan kari waayaan duulimaadyadii diyaaradaha kala ah Jubba oo markii ay garoonka Hargeysa fadhiisan kari wayday Djibouti fadhiisatan lkn Berbera ku soo noqon doonta, African Express oo Berbera fadhiisatay iyo Ethiopian airline oo iyana la filayo inay berbera fadhiisato ka dib markii dhammaan duulimaadyadaasi ay Hargeisa fadhiisan kari waayeen, waxaana madaarka Hargeisa ku xanniban dadkii duulimaadyadaas raaci lahaa

hargaysa airport

Idale News Hargaysa

You might also like More from author

Comments are closed.