Odoyaashii Dhaqanka Ee Soo Xulayey Baarlamaanka Oo Loo Sheegay In Shaqadoodi Dhamaatey

26

Waxaa maanta loo sheegey 135-kii oday dhaqameed ee ka qaybgaley dhamaystirkii Road-mapka iyaga oo soo xuley ergadii ansixinta Dastuurka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, in hawshoodi dhamaatey isla markaana ay u diyaar garoobaan in ay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

Odoyaasha dhaqanka qaarkood ayaa arintaas qaylo dhaan ka muujiyey waxayna sheegeen in ay dacwo iyo ashtako ka yihiin guddiyadii la shaqeynayey oo laga saarey Hoteeladii cunadiina laga goostey.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dastuurkiina la meel amriyey Barlamaankii la soo xuley isla markaana doortey guddigii doorashada.

Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta qaabiley qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka kuwaas oo jecel in ay weli sii joogaan, waxaana uu sheegay in shaqadoodi aysan dhamaan, Odoyaasha dhaqanka ayaa canbaareyn dusha uga tuurey guddiga farsamada ee xulitaanka baarlamaanka waxaana ay sheegeen in ay qorteen xildhibaano aysan iyagu u gudbin.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.