Daawo Sawirada: Laami saarid ku socota wadada FIAT ilaa Wadada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho oo dhamaad ku dhow

70
 Waxaa waqooyiga Muqdisho gaar ahaan wadadii halbowlaha gobolka Banaadir  berisamaadkii ku socda dayactir balaaran. Dayactirkaan  ayaa waxuu ka soo bilowday xarunta Nabadsugida & agagaarka halkii la oran jiray guriga Maama Khadiija ee degmada Cabdicasiis waxa uuna hadda marayaa Daljirka Dahsoon, waxuuna dayactirka laamigaan gaari doonaa ilaa Airport magaalada Muqdisho oo uu dayactir sidaan oo kale ah horey loogu bilaabey.
Hay’ada  TIKA oo dhanka horumarka iyo iskaashiga caalamiga u qaabilsan dalka Turkiga oo mashuucan dayactirka wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ku howlan ayaa waxay horey  gacan weyn ka geysteen abaarihii ku dhuftay dalka Soomaaliya ayaga oo haddana dalka ka hirgaliyey mashaariic horumarineed taasoo suurtogalisay in dad badan oo Soomaaliyeed, hay’ado iyo dalal kalena ay dalka ku soo dhiiraadaan si ay u maalgashtaan.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.