Yusur Abrar ayaa u sheegtay Wargeyska All Africa inay isu cashishay caga jugleyn kaga timid xubno ganacsato ah oo qaraabo la ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

125

Gudoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abrar ayaa markii u horeysay ka hadashay is casilaadeeda maalmo kadib markii warbaahinta gudaha iyo kuwa dibada ay si aad ah uga hadlayeen wararka ku saabsanaa is casilaadeeda.

Yusur Abrar ayaa u sheegtay Wargeyska All Africa inay isu cashishay caga jugleyn kaga timid xubno ganacsato ah oo qaraabo la ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan isu casilay cabsi iyo caga-jugley iiga timid Ganacsato qaraabo la ah Madaxweynaha, waxay doonayeen inaan u saxiixo mashaariic lacago malaayin doolar ku baxeysa”ayay tiri Yusur Abrar oo la hadashay Wargeyska All Africa.

Yusuf Abrar ayaa aheyd haweeneydii u horeysay ee loo magacaabo xilka Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo xilkan heysay muddo labo bilood, inkastoo badankood ay dalka ka maqneyd.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Yusur ay ka baxsatay caga-jugleyn kaga timid Ganacsato ku heyb ah Madaxweynaha, markii ay isku qabteen arrimo maaliyadeed.

central banka Somalia

Yusuf Abrar ayaa markii ay is casishay looga yeeray magaalada Brussels sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow Bankiga Dhexe, si ay warbixin uga siiso Midowga Yurub sababaha ay isu casishay.

Dhinac kale maalinimadii shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan ay kulan kula yeesheen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xubno ka socday dalalka deeq bixiyeyaasha, iyadoo lagu weydiiyay su’aalo aheyd sababtii ay isu casishay Gudoomiyihii Bankiga Dhexe.

Is casilaada Haweeneydan ayaa waxay ku soo beegantay, xilli dowladda Soomaaliya loogu deeqay ilaa labo bilyan oo doolar dib u dhiska dalka, kadib shirkii New Deal ee 16-kii bishii September ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

You might also like More from author

Comments are closed.