Daawo: Beesha Direed oo ka baxdey shirka Jubooyinka ee Muqdisho kuna tilmaantay shirkaasi dib u heshiisiin ku kooban Beelaha Daarood & Hawiye

41

Ergadii ka socotay beesha Direed ee ka qeybta ahaa shirka Muqdisho ugu socda Maamulka Jubba iyo Dowlada Federaalka kaasoo lagu sheegay dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa waxaa ay gebi ahaanba sheegaen iney ka baxeen shirkaas, iyadoo sidoo kalena ku tilmaamey in shirkaasi yahay heshiis ku kooban beelaha Daarood & Hawiye. Waxayna sheegeen in ay aad ugu caroodey agaasinka, qoraallada shirka oo dhamaantood ah hanaan lagu heshiisiinaayo labo beelood oo kaliya.

Horey ayaa waxaa sidoo kale shirkaas u qaadacey ka qeybgalkiisa beelaha Digil iyo Mirifle oo iyagu shir ugu socdo magaalada Baydhabo waxay kuna tilmaameen madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliy Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in dano gaar ah ka leh Maamulka Jubba isla markaasna uu doonaayo in uu maamulka Jubba oo cadaadis kaga saaran yahay xiriirka kala dhaxeeya dowlada Kenya iyo Itoobiya, hase ahaatee beelaha Digil & Mirifle Sheegeen in aan dad gaar ah lagu qancin karin deegaano ay iyagu leeyihiin, aqoonsi kastaa oo ay dowladu siiso shirkaas Muqdishana yahay waxba kama jiraan.

Daawo Afhayeenka Beelaha Direed oo hadley Teleefishinka Soomaaliyeed ee Somali Channel oo ka hadlaayo sida uu saakey shirku ku bilowdey iyo waxa ku kalifey iney shirkaasi isaga soo baxaan:

Direed
Idale News Online Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.