Tababaraha 1aad ee xulka Qaranka Somalia oo magacaabey xulkii kubbada Cagta Somalia uga qeyb gali Isreebreebka Ciyaaraha Bariga & Bartamaha Afrika

93

Macalinka 1-aad ee xulka Qaranka Soomaaliya Macalin Maxamed Cabdulle Farayare ayaa maanta shaaca ka qaaday liiska kama dambeysta ah ee xulka qaranka Soomaaliya oo ka qeyb geli doona tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Afrika oo ka dhici doona dalka Kenya inta u dhexeysa 27-ka November ilaa iyo 12-ka December ee sanadkan.

Qoraal rasmi ah oo uu maanta soo saaray macalin Maxamed Cabdulle Farayare ayuu ku soo bandhigay magacyada 29 cayaaryahan oo ku jira liiska kama dambeysta ah ee uu usoo xushay in ay Soomaaliya ku matalaan tartanka CECAFA Senior challenge cup, kuwaas oo in muddo ah tababar qaadanayay siina wadi doona tababarka tan iyo inta ay cayaarahaas qaramada ka aadayaan.

“Kani waa liiska kama dambeysta ah ee cayaartoyda Soomaaliya ku matali doonta tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Afrika—-29-kan cayaryahan ayaa nasiib u yeeshay in ay qaranka matalaan sanadkan”ayuu qoraalkiisa ku sheegay macalinka 1-aad ee qaranka Soomaaliya Macalin maxamed Cabdulle Farayare.

Macalin-maxamed-Cabdulle-Farayare

Macalinka qaranka Soomaaliya ee loo yaqaano Ocean starsMaxamed Cabdulle Farayare ayaa waxaa macalin ku xigeen u ahaan doona Macalin Maxamed Cabdullaahi Abuukar (Taako). Labadan macalin ayaa ahaa macalimiintii hogaaminayay xulka qaranka ee U-17-ka sanadkii hore.

Macalin farayare ayaa ka mida macaliminta ugu badan ee hogaamiyay xulka qaranka waxaana uu ka mid yahay khubarada dhinaca tababarenimada ee ku jira liiska (CAF national course directors).

Magacyada liiska xulka Qaranka Soomaaliya ee uu Macalin  Farayare maanta ku dhawaaqay hoos ka aqriso.

No

Names

01  Jibril Hassan Mohamed
02 Saa’id Salah Hussein
03 Deeq Abdullahi Nur
04 Ahmed Abdullahi Moallim
05 Ahmed Abdulkadir Dayib
06 Muhsin Sharif Abdalla
07 Hassan Ali Roble
08 Hassan Hussein Ibrahim
09 Baasi Mohamud Bana
10 Adil Nur Ali
11 Mahmoud Abdi Nur
12 Daud Abdullahi Hassan
13 Adan Hussein Ibrahim
14 Mohamed Hassan Ali
15 Ahmed Osman Abdulle
16 Mahad Mohamed Haji
17 Said Mohamed Sheekh
18 Hassan Sidow Hilowle
19 Hamsa Mohamed Muqtar
20 Bile Mohiyadin Burale
21 Dadir Amin Ali
22 Shafi’i Abdi Farah
23 Mohamed Tahlil Shidane
24 Abdishakur Mahmoud Mohamed
25 Mohamed Nur Abdi
26 Yasin Ali Egal
27 Mohamed Abdi Hayow
28 Sidi Mohamed Omar
29 Ahmed Tahlil Ali

Idale News Online, Scuola Polizia, Muqdisho Somalia

You might also like More from author

Comments are closed.