Dhageyso: Ra’iisul Wasaare Saacid oo markii 3aad ku celiyey inuu balaarinaayo xukuumadiisa, madaxda sare ee dowladuna aysan kala hareyn ilaa laga gaaro 2016

45

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa shaaciyay inuu soo dhisayo xukuumad ka kooban 23 Wasiir isla markaana uu dhawaan ku dhawaaqi doono sida ugu dhaqsaha badan.

Mr. Saacid ayaa xaqiijiyay wararka maalmahan la isla dhex marayay ee sheegayay in isku shaandheyn uu ku sameyn doono Golahiisa isagoo tilmaamay in uu dhawaan ku dhawaaqi doono Gole Wasiiro oo ka kooban 23 xubnood.

“Golaha Wasiirrada aan soo dhisayo waxay noqon doonaan 23 wasaaradood iyo in la mid ah, waayo maalintaan soo magacaabayay 10-ka wasiir xaalad ayaa jirtay, maalintaas sax bay ahayd in Soomaalida la simo iyo in dumar ay helaan xaqooda, balse maanta xaalad taas ka duwan ayaa jirta,” ayuu yiri Ra’iisul Waasare Saacid.

Dhageyso Saacid oo ka hadlaayo tirada golihiisa wasaarada cusub inta ay noqonayaan [audio:http://idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/saacid23wasiir.mp3]

Saacid_shirdoon

Wareysi uu siiyay TV-ga Universal ayuu ku sheegay in kordhinta tirada wasiirrada ay tahay mid la doonayo in howlaha xukuumadda lagu ballaariyo iyo isbadal ay ku doonayaan iney ku ballaariyaan howlaha Xukuumadda.

Sababta ay xukuumadda u ballaarinayaan Xukuumadda ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha iney tahay iney horyaalaan howllo fara badan oo qeyb ka ah dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka lagu sameynayo sedaxda sano ee soo socoto/

Mar uu ka hadlayay xiriirka wada shaqeyn ee kala dhaxeeyo Madaxda Dowladda ayuu sheegay RW in ay tahay mid wanaagsan uuna rajeynayo iney noqoto mid waqtiga dhiman ay ku wada dhameystaaan.

“Madaxdii dowladihii hore inkastoo wax badan ay qabteen haddana waxay maareyn kari waayeen tafaraaruqa, balse innaga waxaan kaga duwannahay inaan maareynay tafaraaruq soo dhexgala hay’adaha sare ee dowladda, waxaana rajeynaynaa in si wadajir ah aan ku gaarno sannadka 2016-ka oo ay ku eg-tahay xilliga ay dowladdu shaqeynayso,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.