Gudoomiyaha Bankiga dhexe oo Istiqaalad u gudbisey Madaxda sare ee dowlada sheegtayna in xilkaasi loogu magacaabey inay fududeyso howlo qabyo ahaa

55

Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Yusur Abraar oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay in maalinimadii shalay iyadoo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta in ay istiqaaladeedii u gudbisay Madaxweynaha & R/wasaaraha dowladda Soomaaliya.

Sababaha is-casilaada Yusur ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto kadib markii ay ku gacan seyrtay in ay ku soo biirto qorshe muddo dheer soo soconayey, kuna saabsan hantidii Soomaaliya ay laheyd ee tiilay dalalka caalamka & bangiyada adduunka in ay la soo wareegto dowladda Soomaaliya, qorshahaasoo soo billowday ilaa xilligii dowladdii Shiikh Shariif balse ay soo wajahday caqabad ku saabsan dowladda xilligaasi jirtay oo ahey mid KMG ah, waxaana howshan hor-boodaya C/casiis Camalow oo ah wiil uu adeer u yahay Guddoomiyihii hore ee Bangigii dhexe ee Soomaaliya & Ganacsade lagu magacaabo Muuse Ganjab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiyaha is-casishay Yusro oo hadda Dubai ku sugan in qorshaha lagu wargeliyey markii ay xilka la wareegtay, waxaana ay soo jeedisay in soo dhicinta lacagtaasi ay qeyb ka noqon karto oo keliya haddii ay soo mareyso {process) sharci ah, laguna soo shubayo (accoun)-ka bangiga dhexe ee Soomaaliya, haddiise ay lacagtaasi tahay mid koox gaar ah ay ku daneysanayaan in ay bannaanka ka istaageyso, ayna qeyb ka noqoney hanti ay Soomaaliya xilligan u baahan tahay, wax weynna loogu qaban karo in ay goob-joog ka noqoto iyadii oo kooxo gaar ah ay ku daneysanayaan.

“Magacaabista Yusro dowladaha caalamka, gaar ahaan kuwa arrimaha Soomaaliya daneeya aad ayeey u soo dhoweeyeen, waxeyna dhexda kaga soo dhacday mashruucan oo muddo dhowr sanno ah soo jiitamayey, hadda markii ay Xamar ka soo baxeysay waxey ku soo baxday fasax nasasho ah ayaan tagayaa, waayo waxaa laga sugayey in ay saxiixdo qoraalkii bangiyadda ay lacagtaasi tiilay lagu weydiisanayey in ay soo wareejiyaan, waxaa laga war-helay uun iyadoo shalay soo gudbisay istiqaaladii, waxey fahamtay in kooxo weligood isla qaraaban jiray ay doonayaan iyagii oo magaca dowladda huwan in ay afka iska mariyaan dhaqaalahaasi” ayuu yiri mid ka mid ah howl-wadeenada bangiga dhexe ee Soomaaliya oo la socday heerarkii ay soo martay lacagtaasi Soomaaliya u tiilay bangiyada adduunka, wuxuuna intaa ku daray in Soomaaliya ay nasiib u yeelatay in ay hogaankeeda qabtaan dad ka shaqeysanaya, ee aan u shaqeyneyn, isla markaana hadafkoodu yahay wax is-daba marin & xatooyo aaney ciddina u soo raacaneyn.
 

yusra
Masúulkan oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa wuxuu ku nuuxnuuxsaday in xaaladda lacagtan ay indhaha ku hayaan hayádo caalami ah oo ay ka mid tahay {Monitiring Group}, isagoo tilmaamay in la helay qoraalo (document) caddeynaya qorshaha lagu doonayo in lacagtaasi in lagu musuq-maasuqo.

“Lacagtaasi in dowladda lagu soo wareejiyo waxaa kala shaqeynaya shirkado caalami ah, waxaana dulaal ka ah C/casiis Camalow & Muuse Ganjab, haddii lacagtaasi lagu guuleysto in ay dowladdu la soo wareegto waxaa lagu heshiiyey in 25% ay qaataan shirkadihii ka soo shaqeeyey arrintaasi, halka 10% ay qaadanayaan Camalow & Ganjab, inta soo hartayna waxaa lagu soo wareejinayaa dowladda. Qeybinta noocaas ah waxey ku tusineysaa in hantidii ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay laheyd ay gacanta u gashay dad doonaya in ay si shaqsi ah ugu takrifalaan hanti Soomaali oo dhan ay wada leedahay” ayuu yiri masúulkaasi, wuxuuna ugu baaqay maamulada Galmudug, Puntland, Somaliland & maamulada kale ee dalka ka jira in ay ku baraarugaan arrinta ku saabsan lacagtaas.

You might also like More from author

Comments are closed.