Akhriso Madaxweyne Xassan oo Wareysi Xasaasi ah siiyay wargeyska the Guardian

108

download

MadaxWeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay wargeyska the Guardian ayaa sheegay in xarakada alshabaab ay laba laabtay fulinta danaha urur-weynaha Alqaacida .

War lagu baahiyay bogga uu wargeyskaasi ku leeyahay Internetka ayaa lagu sheegay in MadaxWeynuhu tilmaamay in Alqaacida iyo Alshabaaba ay yihiin hal urur oo hogaanka iyo afkaartaba wadaaga.

Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay in ajaaniibta ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya ay yihiin rag lagu bartay safafka Ururka Alqaacida.

Xarakada alshabaab oo sanadihii la soo dhaafay dagaalo ka waday dalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay ka midtahay Ururka alqaacida taana aysan u arag arin ceeba oo ay k faani kareyso Ciidama dowlada Soomaaliya oo kaashaneya ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ayaa ka saaray magaalooyin ay ka mid tahay Caasimada Soomaaliya oo mar ay ku xooganaayeen.

Hadal dhawaan ka soo baxay wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu tibaaxay in Ciidamada dowlada Federaalka ah ay ku wajahayihiin magaalooyinka ay ku hartay xarakada Alshabaab oo baraawe ay ugu horeyso.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.